GUD.ABSHIRAW OO RUNTA U SHEEGAY XIL.MARWA.
(SAWIRKA)-GUDOOMIYE ABSHIRAW.
(LUANDA-ANGOLA)-Caasimadda dalka Angola ee Luanda waxaa ka dhacay shirkii 147-aad ey yeelanayaan Baarlamaanada Adduunka ee loo yaqaano(IPU),ujeedada shirkaan ayaa ahayd in halkaasi lagu doorto Madaxweynaha Ururka Baarlamaanada Adduunka ee seddexda sano soo socota. Dalka Soomaaliya waxaa uga qeybgalay shirkaasi wafdi balaaran uu hogaaminaayo Gudoomiye ku xigeenla labaad ee Golaha shacabka BJFS Xil.Abshiraw,dhinaca kale waxaa jirtay in Xildhbaanad Marwa Cabdi Bashir u sharaxneed xilka Madaxweynaha Baarlamaanka adduunka balse la sheegay iney isaga tanaasushay ka dib markii ey xukuumadda Soomaaliya sidaas ka codsatay,hadaba arrinkaan ayaa dhaliyey dood balaaran iyo isqabqabsi sababay inuu hadlo Gudoomiye Abshiraw.
ISHA/HIIRAAN.