SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

G/SARE.MACALLIN MAHDI OO SHIR GUDOOMIYEY SHIR..

(SAWIRKA)-LAAMAHA AMNIGA DFS.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir uu maanta oo Axad ah(12/1/25)-ka uu shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Xoojinta Amniga caasimadda,waxaane kulanka goobjoog ka ahaa dhammaan laamaha Amniga ee ka wada hawlgala G/banaadir, sida NISA, Haramcad iyo Booliska Mileteriga. G/sare.Macallin Mahdi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo Amniga caasimadda Muqdisho sida la dagaalanka Maandooriyaha iyo ka hortaga falalka Amni darrada ah ey geystaan kooxaha wax dhaca ee Tuugada ah. G/sare.Macallin oo ah Taliyaha Qeybta Booliska G/banaadir ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta Amaanka muhimadda ey leedahay wada shaqeynta Booliska G/banaadir iyo Bulshada si loo xaqiijiyo dadaaladda kor loogu qaadaayo Amaanka Guud ee dalka. Hawlgaladda ka socdo gudaha iyo daafaha G/banaadir ayaa ah kuwa mira dhal ah waxa eyna suurtageliyeen in caasimadda Muqdisho eysan ka dhicin wax Qarax nuucuu doono ha ahaadee muddo dhawr bilood ah,waane waajib adag oo saaran Hayadaha Amaanka ee dalka iney gacan bir ah ku qabtaan kooxaha Argagixisada ALshabaab iyo Daacish iyo dhammaan inta la shaqeysata kuna dhex jirta bulshada G/banaadir eyna ugu horeeyaan Ganacsato isku sheegta maalgelisa Argagixisada arxanka daran.

ISHA-SNTV.