GOLAHA XFS OO XILKII KA QAADAY ODAWAA.
(SAWIRKA) TALIYAHA CUSUB EE CIIDAMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.
(MUQDISHO-SOMALIA)-War deg deg ah oo ka soo baxay Xafiiska Reysal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday taliyihii hore ee Ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliya Sareya Gaas Odawaa Yuusuf Raage waxaane taliye Odawaa uu xilkaan soo qabtay sannadkii 2019-kii waxaane lagu bedelay Gen.Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadaw,sarkaalkan ayaa horay waxa uu u soo noqday taliyaha ilaaladda Madaxtooyada waqtigii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ahaay Madaxweynaha(2012/2017). Gen.Ibraahim ayaa la rabay in loo dhiibo ciidamadda xasilinta caasimadda Muqdisho balse ma eysan suurtagelin maanta ayaase loo magacaabay inuu noqdo taliyaha Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed. Dhinaca kale,waxaa jiro sarkaal kale lana yiraahdo S/Gaas Bariise kaaso isagana ah madaxa hawgalka ee wejiga labaad ee la dgaalanka Alshabaab eyna ku mideysan yihiin saraakiil ka kala socoto dawladaha safka hore(KENYA.ITOOBIYA IYO JABUUTI).
ISHA WARKA SB-MEDIA.