SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GOLAHA WSIIRADDA OO ANSIXIYEY…

(SAWIRKA)-GOLAHA WSIIRADDA EE SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaay kana dhacay caasimadda Muqdisho,Golaha ayaa ansixiyey jihaynta Hanaanka doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Golaha ayaa soo saaray seddex qodob oo ku saabsan hanaanka uu Goluhu u maray meelmarinta Hanaanka Dooroshooyinka dalka,Qodobada ayaa kala ah: Q-(1)-DHAQANGELINTA HESHIISKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA.

(A)-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ey go’aamisay dhammaystirka iyo dhaqangelinta Hanaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu ku heshiiyey Golaha Wadatashiga Qaranka-27/5/23-ka.

(B)-Dhammaan Wasaaradaha iyo Hayadaha ey khuseyso ayaa la faray iney si deg deg ah uga hawlgalaan diyaarinta shuruucda loo baahan yahay ee lagu dhaqangelinayo heshiiska kor ku xusan.

(C)-Wixii wax ka bedel ah ee lagu sameeyaano Dastuurka KMG ah waxaa loo soo diyaarinayaa si waafaqasan Cutubka-15-aad ee Dastuurka KMG ah loona soo gudbiyaa Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo horgeeyo labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Q-(2)-DHAMMAYSTIRKA HABRAACYADA.

(D)-Dhammaan Wasaaradaha iyo Hyadaha ey khuseyso waa iney dhammaystiraan dhammaan Habraacyada Dastuuriga ah iyo kuwa latashiga ee lagama maaraanka u ah dhaqangelinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka,iyada oo la xeerinaayo danta guud ee Qaranka. (E)-Wasaarad kasta iyo Hayad kasta oo kaalin ku leh dhaqangelinta go’aankaan waxa lagula xisaabtami doonaa hirgelinta kaalinteeda ku aadan hirgelinta Heshiiska.

Q-(3)-DHAQANGALKA GO’AANKAN.

(F)-Go’aankan oo dhaqangelaya maanta oo Khamiis ah kuna beegan 8/6/23-ka ayey Golaha Wasiiradu Ansixiyeen isla markaasne uu saxiixay Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale lagu ansixiyey dib ugu noqoshada ku talagalka Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka-2023-ka iyo Heshiisyada ku biiridda Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika iyo ku biiridda Suuqa iskaashiga Ganacsiga ee Bariga iyo Koonfurta Afrika(COMES). Ugu dambayntii Wasaaradda Qorshaynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Golaha horkeentay warbixin la xiriirta Qorshaha Dwaladda ee ku aadan soo Raridda Hayadaha UN-ka iyo kuwa kale ee Caalamiga ah ee weli xafiisyadu uga furan yihiin dalka dibaddiisa si ey dalka gudihiisa uga hawlgalaan.

ISHA WARKA CAASIMADDA ONLINE.