SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GOLAHA WASIIRRADDA OO NUS MILYAN UGU..

(SAWIRKA)-GOLAHA XUKUUMADDA JFS.

(MUQDISHO)-Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Gudoomiyey Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa caawa yeeshay shir deg deg ah oo looga hadlayey Qarixii Argagixiso ee ka dhacay Xeebta Liido Jimcihii la soo dhaafay. Golaha Wasiiradda ayaa ku dhawaaqay caawa iney lacag Nus Milyan Doolar ah Xukuumadu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeeladdu ka soo gaartay Qaraxaasi,halka Reyasal Wasaaruhu mushaarkiisa bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeeladu soo gaartay,iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiiradana ey mushaarkooda qeyb ka mid ah u jareen. Lacagtaan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyadda iyo dib u dhiska nolosha dadka ey dhibaatadu ka soo gaartay weerarkaasi bahalnimada ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Xukuumadda ayaa qaaday tallaabooyin lagu xaiijinaayo sugidda Amniga shacabka. Dhinaca kale Golaha Wasiiradda ayaa caawa Ansixiyey magacaabisatya Danjireyaal dalkeyna uga hawlgeli doono dibadda si loo dhammaystiro danaha diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay caalamka. MAGACYADA SAFIIRADDA WAA:

(1)-Ibrahim Cumar Sheegaw. (2)-Sheekhnuur Maxamed Xasan. (3)-Jaamac Xasan Khaliif. (4)-Dr.C/qaadir A.Xaashi. (5)-Fardwasa Maxamed Qanyare. (6)-Feysal Axmed Salaad. (7)-Abiib Muuse Faarax. (8)-Dr.Hodan Cismaan Cabdi. (9)-Ilyas Cali Xasan. (10)-Dr.Sakhaawadiin Mustafa Maxamed. (11)-Maxmaed Abukar Zubeer. (12)-C/nuue Dahir Fidaw. MAGACYADA QUNSULADDA:

(1)-C/weli Xersi Cabdulle(Indhagura). (2)-C/kariin Axmed Maxaed.

ISHA/SNTV.