SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GOLAHA WASIIRADDA XFS OO YEESHAY SHIRKOODII…

(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Sida caadiga ah,Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa,kulankii maanta ayaa warbixino kala duwan kuna saabsan xaaladda dalka laga dhegaystay Wasiiro ka tirsan XFS. Golaha ayaa Wasaaraddaha Amniga,G/dhiga iyo Cadaaladda ka dhegaystay warbixino ku saabsan Amniga Guud ee dalka,Hawlgaladdii ugu dambeeyey ee lagu ciribtiraayo kooxda Alshabaab ey Ciidanka Qalabka Sida ka wadaan qaar ka mid ah Goboladda dalka iyo shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Xabsiga dhexe ee Muqdisho. Shirka Golaha Wasiiradda ee qabsoomay maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa shir Gudoominaayey Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre,waxaane sidoo kale warbixino ku saabsan arrimaha Xajka iyo isku xirka dawladaha Hoose iyo la tacaalidda dhaawacyadda iyo cuduradda faafa ey ka mid yihiin Shuban biyoodka,Gawracatad iyo Jadeecadda.

ISHA/SNTV.