GOLAHA WASIIRADDA XFS OO SOO SAARAY QARAAR.
(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA.
(MUQDISHO)-Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulan aan caadi ahayn waxaane shir gudoominaayey Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre. Kulanka Golaha Wasiiradda ayaa waxaa laga soo saaray Qaraar ku saabsan Dawlad Goboleedka Jubaland,hadaba Qaraarka caawa ka soo baxay Golaha Wasiiradda XFS ayaa u qornaa sidaan soo socoto. Goluhu markii uu arkay Qodobadaan 99-aad iyo 100-aad ee Dastuurka Ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Markuu Goluhu arkay Qodobka 4-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah ee sareynta Dastuurka,Goluhu markuu arkay Qodobka 55-aad Sharciga tirsiguusu yahay 24 ee soo baxay 31/3/2024-ka kuna saabsan wax ka bedelka Cutubyadda 1-aad,2-aad,3-aad iyo 4-aad ee Dastuurka KMG ah ee dhisaya Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha dalka,kaasi oo xilsaaran maamulka Doorashooyinka dalka iyo Maareeyntooda heer kasta si loo helo Doorasho Qof iyo Cod ah oo hufan,Daah fura isla markaasne Xor iyo Xalaal ah. Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya markii uu arkay Qodobka 56-aad Sharciga Tirsigiisu yahay 24 ee soo baxay 31/3/24-ka kuna saabsan wax ka bedelka cutubyadda 1-aad,2-aad,3-aad iyo 4-aad ee Dastuurka ee Nidaaminaayo Xilka Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Goluhu markii uu arkay Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka oo ey Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyadda oo ey ku jirto Dawlad Goboleedka Jubaland ey ku gaareen magaaladda Muqdisho Taariikhdu markeey ahayd 27/3/2023-kii, Goluhu markii uu arkay Qodobka 70-aad ee Nuqulka Asalka ah ee dhaqangalka ah ee Dastuurka Dawladda Goboleedka Jubaland ee dhigaayo in Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Jubaland aan la dooran karin in ka badan mudda laba jeer ah. Golaha isagoo tixraacaayo dhaqangelinta Xeerka Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranaiyo Soohdimaha,Xeerka Ururadda iyo Xisbiyadda Siyaasadeed ee Xeerka Doorashooyinka JFS. Markii Goluhu tixgeliyey waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saaran in dawladda dalka ey ka hirgeliso nidaam Dimuqaraadi ah oo dadweynuhu Doorasho xor ah oo Qof iyo Cod ah ku doortaan Wakiiladooda iyo Madaxda Hogaamineyso ee heerarka kala duwan ee Golayaasha Degaanka,Dawalad Goboleedyadda iyo Qarankaba,waxa ey Golaha Wasiiradda XFS ey soo saareen Qaraarkan soo socda: Qodobka 1-aad, Sharciyad la’aanta xubnaha xulan iyo Hogaamiyihii hore ee Dawalad Goboleedka Jubaland. (1)-Golaha Wasiiradda XFS waxay go’aamiyeen in xubnaha xulan ee Golaha Wakiiladda iyo Is Doorashada Hogaamiyihii hore ee Jubaland ey labaduba yihiin kuwa sharci darra ah oo aan waafaqsaneyn Qodobada 55-aad iyo 56-aad ee Sharciga Tirsigiisu yahay 24 ee soo baxay 31/3/24-ka kuna saabsan wax ka bedelka Cutubyadda 1,2,3 iyo 4-aad ee Dastuurka KMG ah isla markaasne aan waafaqsaneyn Xeerka Gudiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha,Xeerka Ururadda iyo Xisbiyadda Siyaasadeed iyo Xeerka Doorashooyinka JFS. (2)-Golaha Wasiiradda XFS waxay go’aamiyeen in dhammaan talaabooyinka hoos ku xusan ee loo maray Doorashada Sharci darada ah ee DGJL eysan waafaqsaneyn Sharciga tirsigiisu yahay 24,ee soo baxay 31/3/24-ka. (B)-Magacaabista Gudiga Sharci darada ah ee Doorashooyinka ee uu soo xushay Hogaamiyihii hore ee Jubaland. (T)-Hanaanka uu Hogaamiyihii hore ku soo xushay xubnaha isagoo adeegsnaaayo isla gudigaas Sharci daradda ah ee Doorsahada ee uu isagu soo xushay. (J)-Is doorashada gudoon baalmarsan Shaciga oo uu soo xushay Hogaamiyihii hore ee Jubaland. (X)-Is doorashada Hogaamiyihii hore ee Jubaland. (3)-Goluhu hadaba waxa uu farayaa Garyaqaanka Guud ee Dawaladda Fedraalka Soomaaliya inuu si deg deg ah uga hawlgalo horgeynta Maxkamadda Sare ee dalka dacwad lid ku ah dhammaan talaabooyinka aan waafqasaneyn Xeerarka Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Uryradda iyo Xisbiyadda Siyaasadda ee uu ku kacay Hogaamiyihii hore ee Jubaland Axmed Madoobe. Qodobka 2-aad,Dhaqangalka Qaraarkaan Golaha Wasiiradda waxa uu dhaqangalay Caawa oo ey si buuxda u Ansixiyeen dhammaan Golaha Wasiiradda XFS isla markaasne uu saxiixay Reysal Wasaaraha Jahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre,waane uu saxiixay. Dhinaca kale,Shirka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiiradda ayaa lagu Ansixiyey Heshiisyo dhawr ah oo kala ah Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamaiga ah,Heshiis Is-Afgarad oo u dhexeeyo Soomaaliya iyo Qadar oo iska kaashanaayo Arrimaha Beeraha,Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Braaraha Caruurta,iyo Heshiis ku saabsan shaqo qorista shaqaalaha oo u dhexeeyo Soomaaliya iyo Sacuudiga. Shirka ayaa lagu soo bandhigay Warbixino kala duwan oo ku saasban Amniga dalka iyo dib u xoreynta degaanadda ey ku sugan yihiin kooxda Alshabaab iyadoo Goluhu meel mariyey Heshiiska Wareejinta Maxaabiista Xukuman oo ey kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kuuriyadda koonfureed.
ISHA-OPM.