SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GOLAHA WASIIRADDA XFS OO ANSIXIYEY…

(SAWIRKA)-SHIRKII GOLAHA WASIIRADDA.

(MUQDISHO)-Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaay,kulanka maanta ayaa lagu ansixiyey magacaabista Golaha Warbaahinta Qarana Soomaaliyeed kaaso ka kooban ilaa sagaal qofood. Xubnaha Gudigaan ee uu soo jeediyey Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa kala ah:

(1)-C/raxmaan Maxamed Aden(KORONTO).

(2)-Maxamed Shiil Xasan Shiil.

(3)-Muna Cumar Xasan.

(4)-Yuusuf Xasan Mursal.

(5)-Axmed Maxamed Cabdi.

(6)-Maxamed C/lahi Kooshin.

(7)-Hinda Dahir Jamac.

(8)-C/qadir Cisman C/salaam.

(9)-Fatuma Yuusuf Saciid.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Hindiso sharciyeed Xogta Rasmiga ah iyo Heshiiskii u dhexeeyey dalalka Soomaaliya iyo Isugtaga Imaaraatka Carabta kuna saabsanay ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo ka hortaga la baxsashada canshuurta. Golaha ayaa joojiyey shirarka khuseeyo Hayadaha Dawladda Federaalka ee lagu qabto meel ka baxsan dalka gudihiisa maadaam uu dalkeena uu soo kabtay amni ahaan iyo horumar ahaanba,isla markaasne eysan jirin baahi keeneysa in dalal shisheeye lagu qabto shirar looga hadlaayo arrimo khuseeyo dalka Soomaaliya ka dib soo jeedintii Wasiirka Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha. Shirka Golaha Wasiiradda ee XFS ee uu shir Gudoominayey RW-Xamse Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixino la xiriiro Amniga Guud ee dalka Soomaaliya iyadoo Goluhu uu xusay mudnaanta ey ledahay in ey wada shaqeeyaan Hayadaha Amniga iyo shacabka Soomaliyeed si looga hortago dhagaraha cadawga xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

ISHA/SNTV.