SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GOLAHA WASIIRADDA OO MAANTA ANSIXIYEY..

(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA XFS.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ey yeesheen kulankoodii caadiga ahaa ee dhici jiray maalin kasta oo Khamiis ah,kulanka maana ayaa lagu Ansixiyey Magacaabista Gudoomiyaha Hayadda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed kaaso uu noqon doono Md.Axmed Xuseen Cilmi,ka dib markii uu soo jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha,Fedrraalka iyo Dib u heshiisiinta ee DFS Md.Wasiir Cali Xoosh. Sidoo kale,Golaha Wasiiradda ayaa Ansixiyey in Marwa Xaniifa Maxamed Ibraahim iney xubin ka noqoto Gudiga Sare ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya,arrintaan ayaa timid ka dib markii uu soo jeediyey Wasiirka Maaliyadda ee DFS Md.Biixi. Shirka Golaha Wasiiradda ee qabsoomay maanta ayaa waxaa Shir Gudoominaayey Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre,waxaane kulanka maanta lagu soo bandhigay warbixino kala duwan oo la xiriira qiimeynta Waxqabadka Wasaaradaha DFS,Sharciga nidaamka Xukuumadda iyo Abaabulka iyo Wacyigelinta bulshada ee ku aadan Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee la doonaayo in dalkeyna Soomaaliya laga hirgeliyo.

ISHA-OPM.