GOLAHA WASIIRADDA OO ANSIXIYEY HINDISO SHARCIYEED.
(SAWIR)-KA.SHIRKI GOLAHA WASIIRADDA.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ey maanta oo Khamiis ah ey yeesheen kulankoodii todobaadlaha ahaay,Golaha ayaa Ansixiyey Hindiso sharciyeedyo siyaasadda,Xeer iyo heshiisyo iskaashi oo kala ah: (1)-Hindisa Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka. (2)-Siyaasadda Dawaladda ee Barayaasha Soomaaliyeed. (3)-Xeer-nidaamiyaha Qiimeynta Saameynta Degaanka. (4)-Heshiiska Iskaashiga Difaac ee u dhexeeyo Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya. (5)-Heshiiska Isdhaafsiga dhiirigelinta iyo dhawrista Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraatka Carabta(UAE). Shirka maanta uu yeeshay Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa shir Gudoominaayey Reysul Wasaare Xamse Cabdi Barre,waxaane inta uu socday shirka Golaha Wasiiradda Warbixin looga dhegaystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo iyo Dib u heshiisiinta,warbixinta Wasaaradda ayaa ku saabsaneed Duufaanadda la saadaalinaayo iney ka dhici karaan qeybo ka mid Goboladda dalka Soomaaliya sidii loogu diyaar garoobi lahaay dadkana looga wacyi gelin lahaay. Sidoo kale,waxaa iyagana warbixino laga dhegaystay Wasaaraddaha Amniga Gudaha iyo G/dhigga,labadaan Wasaaradood ayaa ka waramay u diyaargarawga dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo Guulihii laga gaaray sifeynta haraaga Alshabaab ee weli ku dhuumaaleysanaayo hawdka dhulka u dhexeeyo Maamuladda Galmudug iyo H/shabeele.
ISHA/OPM.