GOLAHA WASIIRADDA ISRA’IIL OO OGOLAADAY…
(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA ISRA’IIL.
(TEL AVIV)-Maalintii Arbacada ayey ahayd markii ey ku dhawaaqeen dawladaha Maraykanka, Masar iyo Qadar in Xarakadda Xamaas iyo Isra’iil ey gaareen Heshiis dhigaayo in Xabadda la joojiyo lana soo daayo dadka Maxaabiista ah ee la kala haysto. Heshiiskaan ayaa soo jiitamaayey taniyo bishii shanaad ee sannadkii tegay ee 2024-kii,waxaane dheceysay in marba koox ey meel istaagto tan kalane ey iyadan diido. Hadaba,Xukuumadda Isra’iil ayaa saqdii dhexe ee maanta waqtiga Isra’iil ogolaatay qorshaha Xabad joojinta ey la gashay Xarkadda Xamaas kaaso ku baaqaayo in la sii daayo la haystayaasha reer Isra’iil ee lagu haysto gudaha Marinka Gaza si iyagana loo sii daayo Maxaabiista reer Falastiin ee iyagana ku xiran Xabsiyadda Isra’iil, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kooban. “Dawladu waxay ogolaatay qorshaha lagu sii deyn lahaa la hasytayaasha”ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu. “Qorshaha sii deynta la haystayaasha waxa uu dhaqan geli doonaa Axada soo socoto kuna beegan 19/1/2025-ka. Dagaalka Marinka Gaza ayaa galay maanlintiisii 467-aad waxaane lagu dilay dad gaaraayo 46,876-Qof oo kala ah 18,858-Caruur ah iyo 11,946-Dumar ah,waxaane ku dhaawacmay dad gaaraayo ilaa 110,642-Qof, waxaane nolol iyo geeri lagu la’ayahay dad gaaraayo ilaa 11-kun Qof. 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa Marinka Gaza lagu dilay 88-Qof waxaane lagu dhaawacay dad gaaraayo ilaa 189-Qof sida ey sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Marinka Gaza.
ISHA-WAKAALADO.