SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GOLAHA WAKIILADDA PUNTLAND OO SAMEYSTAY MUDDO KORDHIS.

(SAWIRKA)-GUDOONKA BAARLAMAANK PUNTLAND.

(GARAWE)-Wararka aan ka heleyno caasimadda maamulka Goboleedka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland Md.C/rashiid Yuusuf Jibriil oo ey wehliyaan Ku Xigeenkiisa Koowaad ee Golaha Wakiiladda Md.C/casiis C/laahi Cismaan iyo Gudoomiye Ku Xigeenka labaad Md.Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta oo Khamiis ah(7/12/23)-ka ayaa shir Gudoomiyey Fadhigii 12-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland. Ugu horeyntii Golaha ayaa isla qaatay in fadhigu sii socdo inta laga dhammaystiraayo ajandayaasha Golaha Horyaalo. Intaas ka dib,waxaa Golaha loo qeybiyey Go’aanka Gudiga Beesha Dhulbahante ee ku saabsan xalinta khilaafka siyaasadeed ee Puntland waxaanuu Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Go’aankaas kana koobnaay ilaa lix qodob kalana ah: (1)-In la ilaaliyo Nabadgelyada iyo Xasiloonida Puntland,cid walabana ka qaadato kaalinta kaga aadan. (2)-In Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka lagu qabto waqtigeedii sida caadad u ahayd Puntland 08/01/2024-ka. (3)-In Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ey doortaan Baarlamaanka 5-aad ee Puntland ee hadda jira. (4)-In baarlamaanka Puntland ee hadda jira ee mudda xileedkoodu ku eg yahay 31/12/23-ka dib loo dhigo doorashadooda muddo 12-bilood ah. (5)-Xukuumadda Puntland ee la doorto,gudiga doorashooyinka Puntland iyo Xisbiyadda siyaasadeed waa iney diyaariyaan Doorashada Baarlamaanka ee Qof iyo Cod ah muddo 12-bilood gudahood ah. (6)-Gudiga Doorashooyinka Puntland waa iney dhammaystiraan doorashooyinkii golayaasha degaanada ee degmooyinkii harsanaay. Ugu dambayntii,waxaa Golaha loo qeybiyey Miisaaniyadda sannadka 2024-ka,taaso lagu wareejiyey gudiga Maaliyadda,dhaqaalaha iyo xisaabaadka Golaha wakiiladda Puntland.ka dib markii uu Goluhu ku sameeyey akhriska koobaad si gudigu u soo sameeyo akhriska labaad golahana u soo gudbiyaan warbixintooda maalinta khamiista ah kuna beegan 14/12/23-ka.

ISHA/PUNTLAND POST.