GOLAHA SHACABKA OO SOO GABGABEEYEY DOODII KU SAA..
(SAWIRKA)-KULANKII GOLAHA SHACABKA EE BJFS.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanaayo magaaladda Muqdisho ee ah caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BJFS ey maanta oo Isniin ah ey yeesheen Kalfadhigoodii shanaad Kulankiisii Sideedaad,fadhiga ayaa ka dhacay Xarunta dhexe ee Golaha Shacabka ee villa Hargeysa. Kalfadhiga maanta ayaa waxaa shir Gudoominaayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Sheekh Aden Madoobe waxaane dhinac fadhiyey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka ee BJFS Md.C/laahi Cumar Abshiraw. Kulanka maanta ayey Xildhibaanadu waxa ey ku sii amba qaadeen ka doodista Qodobadda kala ah”Hubka Sharci darradda ah ee dalka soo galay,Dagaalo beeleed soo noqnoqday iyo Xasaanadada Xildhibaanadda”,waxaane qodobadaan aragtidooda ka dhiibtay Xildhibaanadda Golaha Shacabka. Gudoomiyaha Golaha Shacabka Md.Sheekh Aden Madoobe oo soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in maanta la soo gabagabeeyey doodii ku saabsaneed Hubka Sharci daradda ah,dagaalo beeleedyada iyo Xasaanadda Xildhibaanadda,sidoo kalane arrinta Hubka ku saabsan uu Goluhu u xil saaray gudi gaar ah oo warbixin ka soo diyaariyo,Gudoomiyaha ayaa sheegay in arrinta ku saabsan dagaal beeleedyadda uu la wareegay gudiga ku shaqadda leh si uu ugu kuur galo wixii warbixin ahne uu dib ugu soo celiyo Golaha Shacabka ee BJFS.
ISHA/RADIO MUQDISHO.