GOLAHA SHACABKA OO MAANTA LAGU DHAARIYEYEY…
(SAWIRKA)-GUDOONKA GOLAHA SHACABKA EE BJFS.
(MUQDISHO)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Sheekh Aden Maxamed Nuur(Madoobe) oo ey wehliyaan Gudoomiye ku Xigeenada Koowaad Sacdiya Yassiin X.Samatar iyo Gudoomiye ku Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Md.C/laahi Cumar Abshiraw ayaa si wadajir u shir gudoomiyey kulanka guud ee Golaha Shacabka ee dhacay maanta oo Arbaca ah. Ugu horeyntii Habdhawraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan Nuux ayaa dhaariyey Reysal Wasaare ku Xigeenka Labaad ee XFS iyo Xubnaha cusub ee Golaha Wasiiradda ee XFS. Intaas ka dib,Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u codeeyey heshiiska Qaramada Midoobe ee la dagaalanka Dembiyadda Abaabulan ee isaga kala gudba Qaramada iyo Baratakoolkiisa,waxaane ogolaatay 138-Xildhibaan,waxaa diiday laba Xildhibaan,waxaane ka aamusay seddex Xildhibaan. Sidoo kale Xildibaanadda Golaha Shacabka ee BJFS ayaa u codeeyey Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hayadda Maalgashiga Soomaaliyeed,waxaane ogolaatay 140-Xldhbaan,waxaane diiday hal Xildhibaan,laba Xildhibaane waa ey ka aamuseen. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Sheekh Aden Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda uga mahadceliyey Ansixinta heshiiska Qaramada Midoobe ee la dagaalanka Dembiyadda Abaabulan iyo sidoo kale Hindise Sharciyeedka dhisidda Hayadda Maalgashiga Soomaaliyeed.
ISHA-BJFS.