GOLAHA SHACABKA MA ANSIXIN DOONAA?
(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO RW-XAMSA.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimdda Muqdisho ayaa sheegaayo in MW-Xasan Sheekh iyo RW-Xamsa Cabdi Barre ey dadaal adag ugu jiraan sidii Golaha shacabka ee BJFS loo marsiin lahaay Go’aamadii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhacay bishii Meey-2023-ka. Laba habeen ka hor ayey ahayd markii RW-Xamsa uu shir deg deg ah isugu yeeray Golihiisa Wasiiradda,ujeedka shirka ayaa lagu sheegay inuu yahay sidii Golaha Wasiiradda ey qeyb uga noqon lahaayeen u ololeynta Go’aanadii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran,go’aanadaan ayaa ah kuwa uu ka taagan yahay Muran xoogan una dhexeeyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
ISHA/CAASIMADA.