SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GOLAHA AMANKA OO WAR KA SOO SAARAY…

(SAWIRKA)-LAASCAANOOD.

(UNSC)-Qoraal ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe(UNSC) maanta oo Arbaca ah(7/6/223)-ka,Golaha ayaa hadda waxaa ka madax ah Zaki Nusaybah kana soo jeedo dalka Imaaraatka Carabta. Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa ku celiceliyey sida ey u tixgelinayaan una ixtiraamayaan madax banaanida dalka Soomaaliya,sharafka dhuleed ee Soomaaliya,Madax banaanida siyaasadeed ee Soomaaliya iyo midnimada dalka Soomaaliyeed. Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa tabasho ka qaba rabshadaha ka socdo Gobolka Sool ee Waqooyiga Soomaaliya halkaaso ey ka dheceen tiro badan oo khasaaro ah soona gaartay dadka shacabka ah,rabshadahaan ayaa waxaa ku barakacay dad gaaraayo ilaa 150-kun qofood,waxa uuna Goluhu tibaaxay inuu dadkaasi u haayo naxariis qoto dheer iyo tacsi uu Goluhu u diraayo qoysaska dhibanayaasha ah,waxa uuna Goluhu u rajeyey iney si deg deg ah u soo bogsadaan dadkii ku dhaawacmay rabshadahaasi.

ISHA WARKA UN.

HALKAAN KA SII AKHRISO.