GOLAHA AMAANKA QARAMADA MIDOOBE OO…
(SAWIRKA)-GOLAHA AMAANKA QARAMADA MIDOOBE.
(NEW YORKA)-Golaha Amaanka Qaramada Midoobe ayaa lagu wadaa inuu maanta yeesho wada tashiiyo deg deg ah kuwaaso looga hadlaayo khilaafka sii xoogaystay ee u dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya . Kulankan oo lagu dejiyey ajandaha”Nabada iyo Amaanka Afrika”ayaa daba socdo codsigii Soomaaliya iyadoo cuksatay walaaca ku aadan falalka ey Itoobiya ka wado Gobolka Geeska Afrika. Kalfadhiga deg dega ah ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobe ee ka dhashay codsigii Soomaaliya ee ku xusnaay Qodobka 35-aad ee Axdiga Qaramada Midoobe,waxa uu diiradda saarayaa heshiiskii is afgaradka(MoU) ee 1-da Janaayo/24 ey kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliland. Ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Federaalka Soomaaliya Md.Xildhibaan Cali Cumar(Cali Balcad) ayaa ku tilmaamay is afgaradkaasi inuu yahay mid xadgudub ku ah Dastuurka JFS isagoo yiri”Heshiiska waxaa la galay ogolaansho la’aan ama ayadoo ogolaansho laga haysan DFS,wuxuune si hufan u baalmarsan yahay Dastuurka dalka JFS”. Xaaladu waxa ey soo jiidatay dareen weyn iyadoo hayadaha caalamiga ah ey walaac ka muuiyeen xasiloono daridda ka imaan karta arrintaa.
ISHA/HIIRAAN.