SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GOLAHA AMAANKA OO U CODEEYEY IN ATMIS SII JOOGTO…

(SAWIRKA)-KOOXDA ALSHABAAB.

(NAIROBI)-Wararka ka imaanayo Xarunta Qaramadda Midoobe ee magaaladda New York ayaa sheegaayo in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe uu maalintii shalay oo Khamiis ahayd uu dib u dhigay muddo seddex bilood ah ka bixitaanka Soomaaliya ciidamadda Nabad Ilaalinta ee Midawga Afrika(ATMIS) kuwaaso qeyb ka ah dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ee ka hawlgasha Bariga Afrika gacan saarkana la leh Ururka Argagixisada Caalamiga ah ee AL-Qaacidda. Go’aanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa yimid ka dib markii ey Soomaaliya codsatay in dib loo dhigo bixitaan ciidamadda Atmis ilaa dhammaadka sannadka-2023-ka waayo ciidamadda Soomaaliya ayaa hadda waxa ey dagaal adag kula jiraan kooxda Alshabaab waxa eyna ka saareen dhul aad u fara badan ey horay kooxda uga talin jirtay muddo ka badan toban sano mana ah suuragal iney la wareegaan amniga dalka ayagoo dagaal kula jira Alshabaab.

ISHA/ABC.

HALKAN KA SI AKHRISO