GOBOLKA AMXAARADDA OO LAGA JARAY INTERNET-KA.
(SAWIRKA)-KOOXDA FANO EE AMXAARADDA.
(ADDIS ABABA)-Ciidamadda dalka Itoobiya ayaa Guri-Guri waxa ey ugu galeen dad badan oo Rayid ah bishii hore gudaha magaalo ku taalo Gobolka Amxaaradda ee dalka Itoobiya,sida ey sheegeen dadka degaanka,dadka ayaa sheegay in dhiig daadintu ey dhacda ka dib markii ey isku dheceen Maleeshiyaadka degaanka iyo ciidamadda dawaladda Itoobiya. Dilka ka dhacay degaanka Merwi ayaa u muuqda mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu dhimahsada badnaay ee ka dhaca Gobolka Amxaaradda tan iyo markii ey kacdoonka sameeyeen kooxda FANO oo ah koox Amxaara ah oo hubaysan kuwaaso sannadkii hore ka dhashay qorshe la isku khilaafay oo hubka looga dhigaayey ciidamadda Gobolka Amxaaradda. FANO waxa ey ka barbar dagaalantay ciidamadda dawladda Itoobiya labadii sano ee uu dagaalka sokeeye ee ka dhanka ah jabhada Tigreeyda ee TPLF-ta dagaalkaaso oo dhammaaday Noofembar-2022-kii. Si kastaba ha ahaatee dawladda Itoobiya ayaa u timid Gobolka Amxaaradda in kooxda FANO khatar ku tahay maamulkeeda. Dawladda Itoobiya ayaa mamnuucday iney saxafiyiintu u safraan Gobolka Amxaaradda oo ey ku sii badanayso sharci darrada,waxa eyna dawladda Itoobiya ka jartay khadka Internet-ka gobolka Amxaaradda,Wargayska The Guardian ayaa dadka Merwi kula hadlay Telefoonka,qof kasta oo la waraystay ayaa ka waramay xaaladda aan magaciisa la shaacin karin isaga oo ka baqaayo in la ciqaabo.
ISHA/THE GUARDIAN.