GIRIIGA OO LOO SOO JEEDIYEY EDEYN.
(SAWIRKA)-MEYDAD LA SOO SAARAY.
(LONDON)-Hayadda Midawga Yurub u qaabilsan dhinaca xuduudyada ee loo yaqaano”Frontex” ayaa sheegtay iney dawladda Giriiga siisay taageero dhinaca isgaarsiinta ah ka hor inta eysan gadoomin doontii lagu hoobtay ee Pylos,waxa eyna Frontex ku edeysay daladda Giriiga ineysan ka jawaabin taageerada Frontex. Doonta buux dhaaftay ee ku gadoontay xeebaha dalka Giriiga 13/6/23-ka ayaa noqotay musiibadii ugu weyneed ee ka dhacda gobolka sannadkan-2023-ka,inta badan dadkii ey waday doonta gadoontay ayaa la sheegay iney ka soo jeedaan dalalka Masar,Suriya iyo Pakistan,waxaane la xaqiijiyey iney geeriyoodeen dad gaarayo ilaa 82-qofood halka la’ayahay dad gaaraayo ilaa 500-qofood oo kale. Hayadda Frontex ee qaabilsan xuduudaha Midawga Yurub oo la hadashay wakaaladda wararka AFP ayaa sheegtay iney kaalmo taageera ah u fidisay dawladda Giriiga 13/6/23-ka laakinse eysan hayadu Frontex ka helin wax jawaab ah dhinaca Giriiga.
ISHA WARKA MEE.