GIRIIGA OO LOO HEESTO MUHAAJIRIIN UU DIB U SOO…
MUQQALKAN WAA MARKAB UU LEEYAHAY DALKA GIRIIGA OO DIB U SOO CELINAAYO TAHRIIBAYAAL KA YIMID DALKA TURKIGA.
(ATHENS)-Dalalka Turkiga iyo Giriiga ayaa in muddo ah waxa eey isku haayeen arrin la xiriirta dadka Tahriibayaasha ah ee isaga kala goosha Turkiga iyo Giriiga,dadkaan ayaa waxa dib Turkiga ugu soo celin jiray ciidamadda badda ee dalkaasi Giriiga waxaane arrintaas qeylo dhaan xoogan ka keenay dalka Turkiga oo ah halka eey ka soo ambabaxaan Tahriibayaasha waxaane jirtay hayad ilaalisa xuduudaha Qaaradda yurub masuulna ka ah waxyaabaha ka dhaca xuduudyada u dhexeeyo wadamadda ka tirsan Midawga Yurub,hadaba warbixin la rajaynaayey ineey ka soo baxdo Midawga Yurub qeybtiisa u qaabilasan la socodka dhaqdhaqaaqa xuduudyada ee loo yaqaano FRONTEX ayaa soo gabagabaysay baaritaan eey waday waxa eeyna sheegtay in shaqaalaha FRONTEX eey ku kaceen talaabo aad u xun oo ah ineey qariyeen dib u celin sharci darra ah oo lagula kaca Tahriibayaal kuwaaso laga soo celiyey dalka Giriiga waxaane dib loogu celiyey dalka eey ka soo Tahriibeen oo ahaay dalka Turkiga waxayna tas xadgudu ku tahay xuquuqda aasaasiga ah eey leeyihiin dadka Muhaajiriinta aan sharciga ahayn.
ISHA WARKA AP.