GIRIIGA OO FURAY LABA XERO OO CUSUB.
(GIRIIGA):Dalka Giriiga ayaa shalay oo sabti ahayd furay laba xero oo cusub looguna talagalay in lagu haayo muhaajiriinta,xerooyinkaan cusub ayaa laga furay jasiirad u dhaw dalka Turkiga,tan ayaa qeyb ka ah xadaynta dhaqdhaqaaqa muhaajiriinta ku sugan dalka Giriiga waxaane arrintaan ka qeyliyey hayadaha u dooda xuquuqda aadnaha.Xerooyinkaan lagu haayo muhaajiriinta ee dalka Giriiga ayaa waxa ku wareegsan silig koronta ah,kaamerooyin,raajiyo wax iskaan gareeyo,albaabyo magnat ah,waxaa intaas dheer in xerooyinkaan lagu haayo Muhaajiriinta ee dalkaas Giriiga albaabadooda la xiro habeenkii,waxaane horay u dhacday in xerooyinkaas aysan lahayn wax musqula ah oo leh biyo.Dalka Giriiga ayaa waxa uu dhawr mar dib u soo celiyey muhaajiriin ka soo ambabaxday dalka turkiga taaso aan waafaqsanayn sharciga hijrada ee Yurub.ISHA DS.