HAWEENEEY YAMANIYAD AH OO KA SHEEKEEYSAY…
Dalka Yaman waxa uu ka mid yahay dalalka eey ka jiraan colaadaha waxaan meesha ka baxday dawladdii dhexe ee dalkaas waxaane maamulka dalka uu gacanta u galay koox diimeed shiica ah gacan saarna la leh dalka iraan,kooxdaan ayaa loo yaqaanaa XUUTIYIINTA,waa laga yaabaa inaad aqoon magaca halka uu ka yimid iyo heerarkii uu soo maray,haddii aan wax idinka xusuusiyo dagaalka XUUTIYIINTA iyo dawladda dhexe ee Yaman ma aha mid bilawday waqti dhaw oo waxa uu dhacay dhawr mar oo hore waqtigii uu dalka ka talinaayey AUN-Cali Cabdalla Saalax,dagalkii ugu horeeyey ee dhaxmara Xuutiyiinta Yaman iyo dawladdii Cali Cabdalla Saalax ayaa waxa uu ka dhacay magaaladda ku taala waqooyiga dalka Yaman kuna dhaw xuduudka boqortooyadda sacuudiga ee la yiraahdo SACDA,magaaladaan waxa deganaay dadkana diinta ku bari jiray odaygii dhalay hogaamiyaha Xuutiyiinta maanta ka dagaalamaysa Yaman oo la yiraahdo Badradiin Alxuuti laakinse isaga ma uusan ahayn nink bilaabay dagaalkaan yaman hadda ka socdo oo waxaa bilaabay dagaalkaan wiilkii ka weynaay kan hadda hogaaminaayo Xuutiyiinta oo la dhihi jiray Xuseen Badradiin Alxuuti waxa uuna ku dhintay gacanta ciidamddii dawladdii Cali Cabdalla Saalax sannadkii 2004-tii,waqtigaas ciidamadda dawladda waxa eey awoodeen ineey nolol ku soo qabtaan hogaamiyaha Xuutiyiinta C/malik Al-xuuti balse waxaa diiday in dagaalka la sii wado AUN-Cali Cabdalla Saalax oo eey iyagu gacantooda ku dileen ka dib markii ku qabteen magaaladda sanca,hadaba dagaalkaan Yaman ayaa waxaa ka dhashay qax aan caadi ahayn waxaane dhacday in dad badan oo reer Yaman ah iney u kala qaxaan dunidda dacaladeeda ayagoo kaa faa’iidaysanaayo baasaboorkooda oo lagu geli karo dalal carab ah ayagoo aan u qaadan wax Visa ah sida dalka Masar,hadaba wargayska THE GURADIAN ee dalka Ingiriiska ayaa wax qoray haweeneey u dhalatay dalka Yaman soona martay tahriib bad iyo berri ah ugu dambayntiina soo gaartay dalka boqortooyadda Ingiriiska,wargayska ayaa sidaan ku bilaabay:
Haweeneey soo gudubtay sideed xuduud,laba lama degaan iyo hal bad si eey u soo gaarto dalka ingiriiska(UK) una sheegato ineey tahay magangalyo doon,haweeneydaan ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay safarkeeda aan caqli galka ahayn. Waa sagaal iyo labaatan(29)-jir loogu yeero NUURA waxa eey ka soo carartay dalka Yaman ka dib markii loo hanjabay waane eey soo safartay kaligeed, kuwa dadka tahriibiyo iyo muhaajiriin kale oo niyad jabsan.
NUURA waxaa xoog loogu daray nin ayadoo jirta toban iyo afar sano waxa eeyna NUURA ninkaas u dhashay afar caruur ah hal geber iyo seddex wiil waxa eeyna sheegtay in geberteeda hadda jirto toban iyo afar sano ugana baqeeyso in la marsiiyo jidkii ayada la amrsiiyey,guurkii NUURA ayaa ku soo dhammaaday kala tag waxa eeyna NUURA noqotay dadka u dooda xuquuqda gabdhaha gaar ahaan inaan nin loo aroosin iyo inaan laga hor istaagin waxbarashadda. XIGASHO THE GURADIAN.