GERMANY: WARIYE YACQUUB SIYAAD OO LA ISKU DAYEY IN LA DILO.
(SAWIR)-KA. RAGII XALAY WEERARAY WARIYE YACQUUB SIYAAD.
(GERMANY)-Wararka laga helaayo dalka Jarmalka ayaa sheegaayo in dalkaasi meel ka mid ah ey ku nool yihiin dad Soomaaliyeed oo halkaasi megangalyo ka helay ineey shaqaaqo gacan ka hadal ey habeenkii xalay ahaay ka dhacday,sida laga soo xigtay dad Goobjoogayal ah waxaa weerar xoogan lagu soo qaaday nin ka mid ah raga Soomaaliyeed ee caanka ka ah baraha bulshadda kana faalooda arrimaha siyaasadda ee dalka Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan arrimaha maamulka Puntland. Yacquub Siyaad,waa wariye ku shaqeysto xirfadiisa kana soo jeeda maamulka Puntland si aad ahne u dhaliila hab dhaqanka madaxda maamulka Puntland tan iyo markii dib loo doortay Hogaamiye Siciid C/lahi Deni,wariye Yacquub oo inta badan si toos ah u soo gala barta Facebook-ga ayaa falanqeeya arrimo fara badan eyna ka mid tahay arrinta Puntland,hadaba wariye Yacquub Siyaad in la wareero loona gaysto dhaawac fudud maxaa keenay?. Haddii aan dib ugu laabano dib u doorashadda Deni 8/1/2024-ka waxa ey u dhacday si eysan raali ka wada ahayn beelaha wada dhistay Puntland sannadkii 1998-dii eyna ka mid tahay beesha Dhulbahante,beeshaan iyo beelaha dega Sanaag iyo Ceyn ayaa dhistay maamul ey aqoonsan tahay DFS lana yiraahdo SSC-KHATUMO,maamulkaan ayaan waxaan raali ka ahayn maamuladda Puntland iyo Soomaaliland waayo ayaga ayaa loo soo marsiin jiray wixii kaalma ah ee adduunku siiyo goboladaas hadda goonida isu taagay sidaas darteed dagaal laba afle ah ayaa ku socdo maamulka Khaatumo ee curdinka ah. In la weeraro wariye Yacquub Siyaad ayaa loo aaneynayaa iney ku lug leeyihiin masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland eyna ugu horeeyaan Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Lugatoor iyo Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamud Dirir waayo ragii xalay weeray wariye Yacquub Siyaad waxay ahaayeen rag ka soo jeeda Beesha dhulbahante afkana soo duubtay si aan loo garan wejiyadooda balse la aqoonsaday kuwa ey yihiin. In la eedeeyo wariyaha waa wax iska caadi ah balse in la soo weeraro isagoo ku sugan dal ey ka jirto kala dambeyn iyo sharci waa wax hoos u dhigaayo heerka ilbaxnimadda ee madaxda Puntland ee isu bedeshay Burcad ugaarsata cidiid ka aragti duwan. LA SOCO WIXII KA SOO KORDHA.
ISHA/SB-MEDIA.