GEN.ODAWAA OO MAR KALE LOO MAGACAABAY…
(SAWIRKA)-GEN.ODAWAA.
(MUQDISHO)-Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulan deg deg ah oo lagu Ansixiyey soo jeedinta Wasiirka G/dhiga kuna saabsan magacaabista Taliyaha Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed,xilkaas ayaa loo magacaabay mar kale Gen.Odawaa Yuusuf Raage,si loo dardargeliyo difaac dalka iyo ciribtirka kooxaha Argagixisada. Shirka ayaa waxaa shir Gudoomiyey Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre,dhinaca kale,shirka ayaa looga hadlay xaaladda Amni ee dalka iyo dardargelinta hawlaha Xukuumadda iyadoo Goluhu uu Ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Diiwaangelinta Mulkiilaha Shirkadaha iyo Heshiis is Af-garad ah oo u dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo Sacuudiga kaaso ku saabsan Horumarinta Arrimaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha.
ISHA-OPM.