SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GEN.AKOL OO LA DILAY KA DIB AFGEMBI UU ISKU DAYEY.

(SAWIRKA)-GEN.AKOL.

(JUBA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed ee Juba ayaa sheegaayo in goor hore oo maanta uu halkaasi ka dhacay dagaal aad kulul una dhexeeyey Ciidamadda Dawaladda Suudaanta Koonfureed iyo Ilaaladda Taliyihii hore ee Sirdoonka ee dalkaasi Suudaanta Koonfureed Gen.Akol Koor Kuc. Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Mr.Salva Kiir amrayne in la soo xiro,waxaane hawlgalka lagu soo xiraayey Gen.Akol loo xil saaray Ciidamada Difaaca Shacabka ee Suudaanta Koonfureed(SSPDF) kuwaaso weerar aad u kulul ku qaaday halka uu ku sugnaay Gen.Akol oo ahayd Tongpin kuna dhaw Nimule Restor Hotel,waane halka ey isku fara saareen labada ciidan. Wararka ayaa sheegaayo in Gen.Akol la soo xiray loona dhoofiyey Bilpam oo ah Xarunta dhexe ee ciidamadda Difaaca Shacabka ee Suudaanta Koonfureed(SSPDF) ka dib markii ciidamadiis iyo kuwa dawladda ey isku dheceen. Ilo wareedyo dagaalka ku lug leh ayaa Warbaahinta Maxaliga ah u sheegay in Gen.Akol la soo xiray ka dib dagaal xoogan oo la sheegay in lagu dilay ama lagu dhaawacay mid ka mid ah askartiisa. Warbaahinta Maxaliga ah ee dalka Suudaanta Koonfureed waa ey awoodi weysay iney si madax banaan u xaqiijiso xariga Gen.Akol in lagu guuleystay iyo in kale,iyadoo ilo kale ey sheegayaan in Gen.Akol aan la garanyen halka uu ku dambeyey markii dagaalku uu ka dhacay hoygiisa. Ilo wareedyo ayaa diiday iney ka hadlaan sheegashada ah in Gen.Akol laftigiisu uu dhaawac soo gaaray,ama xitaa la dilay,intii uu socday iska hor imaadka. Goobjoogayaal ayaa ku waramy in rasaastii ka dheceysay degaanka ey degtay subaxnimadii hore ee saakay. Saxmad gaadiid ayaa ka abuurantay agagaarka isgoyska Maalinta Todobaad ee u dhaw hoyga Gen.Akol iyadoo darawalada argagaxsaney ka tageen baabuurtoodii markii ey bilaabatay rabshadda. War hadda aan helnayne waxa uu xaqiijiyey in Gen.Akol Koor Kuc uu Geeriyooday. Waxaa la dilay isago is difaacaayo oo waxaa lagu xiray hoyga uu ka degan yahay THONGPING ka dib markii uu isku dayey inuu sameeyo AFGEMBI. Waxaa weli baxsad ah ilaaladiisa gaarka ah waxaane ku daba jira Ciidamadda Difaaca Shacabka Koonfurta Suudaan(SSPDF). LA SOCO WIXII SOO KORDHA.

ISHA-SB-MEDIA.