SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GEDO: TALIYE GUUTO OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL.

(SAWIRKA)-QARAX KA DHACAY GOBOLKA GEDO.

(SOMALIA)-Wararka ka imaanayo Goblka Gedo ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo inu halkaasi ka dhacay xoogan oo lala eegtay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed,kolonyada ayaa waxa ey mareysay halka loo yaqaano Muraad Qabe oo ku taalo wada isku xirta degmooyinka Doolow iyo Luuq oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Maamulka J/land. G/le Dhexe C/rashiid Maxamed Cismaan oo loo yaqaano”Bohol”oo ah taliyaha Guutada 10-aad ee qeybta 43-aad ee Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed ayuu ahaay hadafka Qaraxa maanta ka dhacay Gobolka Gedo in lagu Khaarijiyo balse alle ayaa ka badbaadiyey,Qaraxa ayaa ahaay nuuca Miinada dhulka lagu aaso waxaane ku dhintay 5-askeri oo ilaalo u ahayd taliyaha waxa uuna dhaawac ka soo gaaray taliye Bohol iyo darawalkiisa oo magaciisa lagu soo koobay Khadar Yuubo,waxaane dhaawacyada la keenay isbitaalka magaaladda Luuq ee Gobolka Gedo halkaaso loogu fidinaayo adeega caafimaad ey u baahan yihiin.

ISHA.SB-MEDIA.