SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

G/BANAADIR OO RACFAAN KA QAATAY GO’AANKII XKCS.

(SAWIRKA-GUDOOMYE MADAALE.

(MUQDISHO)-Garoonka Caalamiga ah ee Stadium Muqdisho waxaa si habsami ah uga socdo Tartankii maamul Goboleedyada iyo Maamulka G/banaadir,shalay oo Khamiis ahayd ayaa waxa dhacay kulan ey isaga horyimaadeen G/banaadir iyo H/shabeele kulankaasi ayaa ku soo afjarmay fawdo iyo in la dhagaxyeeyo Garsoorkii cayaarta xukumaayey,sidaas waxaa sameeyey taageerayaal u soo daawasho tegay cayaarta xiisaha lahayd ee la wada sugaayey bacdamaa labada kooxood ey soo wada badiyeen kulamadoodii ugu horeeyey,hadaba fawdadii dhacday shalay waxaa masuuliyadeeda dusha laga saaray maamulka G/banaadir waxaane laga qaaday seddexdii dhibcood ee kulanka waxaane la siiyey H/shabeele sida uu go’aamiyey Gudiga Anshaxa ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed. Si aan wax badan uga ogaano arrintaan halka ey salka ku hayso ayaa waxaa inoo cadaatay inuu jiro khilaaf aad u xoogan una dhexeeyo Gudoomiye Yuusuf Madaale iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xil.Maxamed Barre,khilaafka ayaa salka ku haayo arrimo dhaqaale sida la ii sheegay,Wasiir Barre ayaa Gud.Madaale ka codsaday dhaqaale dhan 400-kun oo doolarka Maraykanka si loogu maareeyo tartanka cayaaraha maamul Goboleedyada iyo G/banadir,Gud.Madaale arrinkaasi waa uu ka biya diiday waxa uuna u sababeeyey dhawr arrimood ey ka mid yihiin: (a)-Iney jirto shirkad soo ururiso lacagta taaso aan tartan ku imaan lagana wargelin G/banaadir. (b)-In lacagta laga soo ururiyo tartanka ey si toos ah ugu dhacdo Akoonka Wasaaradda Dhallinyarad iyo Cayaaraha XFS. (c)-Iyo iney jiraan shirkado iyo Bangiyo Xayeesiin loogu sameeyo Garoonka cayaartu ka dheceyso dhaqaalaha ka soo baxana uusan G/banaadir wax luga ku lahayn. Waxaa jira khilaaf kale oo isagana saameyn ku leh waxa hadda socdo waxa uuna u dhexeeyo Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cali Shiine iyo Gudoomiyaha Cayaaraha G/banaadir Xasan Adan X.Yeberaw(Wiish),khilaafkaan ayaa salka ku haayo Doorashadii Cali Shiine loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed. Maamulka G/banaadir ayaa waxa uu Racfaan ka qaatay dhibcihii uu ka qaaday Gudiga Anshaxa ee XKCS ee uu madaxda ka yahay Md.Cumar Maxamed Nuur(Mugaanbe).

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.