GARWE OO LAGA SAARAYO ITOOBIYAANKA.
(SAWIRKA)-GUDOOMIYAHA DEGMADA FARAWE.
(GARAWE)-Wararka ka imaanayo caasimadda dawlad Goboleedka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in Salaadii Ciidda ka dib uu halkaas ka hadlay Duqa magaaladda Garawe Md.C/qaadir Maxamed Maxamuud,Duqa ayaa amray in dadka ka soo jeedo dalka Itoobiya ee buux dhaafiyey magaaladda Garawe iney isaga baxaan magaaladda ka hor inta aan xoog looga saarin, Duqu ma uusan sheegin muddo go’an oo loo qabtay dadkaas Itoobiyaanka ah iney kaga baxaan magaaladda Garawe. Duqa magaaladda Garawe ayaa yiri”Waxaan rabaa inaan baaq u diro dadka Itoobiyaanka ah ee magaaladda ku joogo Sharci daradda, in badan waxaan ku dadaalnay in dadkaas la soo dhaweeyo laakinse hadda waqtigeedii ayey gaartay. Waxaan rabnaa inaan dadkaas u sheegno cidda aan sharci ku haysan magaaladda Garawe iney isaga baxdo”. Hadalka Gudoomiyaha degmadda Garawe ayaa ku soo beegmaayo waqti ey dadka Itoobiyaanka ah ku soo qulqulayaan caasimadda Garawe ayagoo raba iney u sii gudbaan dalka Yeman iyagoo sii maraayo magaalooyinka ku teedsan Xeebaha Puntland. Maamuladda Puntland iyo Soomaaliland ayaa dhib waxa ey ku qabaan Itoobiyanka soo buuxiyey degaanadooda,waxa eyna Itoobiyaanku la wareegeen shaqooyin ey dadka Soomaalida ah ey ka soo dhacsan jireen nolol maalmeedkooda sida baabuur dhaqidda iyo caseeyeyaasha kabaha,horay waxaa degaanadooda Itoobiyaanka uga eryey maamulka degmadda Gaalkacyo ka dib markii Itoobiyaanku ey ku keceen waxyaabo anshaxa wax u dhimaayo.
ISHA/SB-MEDIA.