SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GAROONKA WILSON-KENYA OO XABSIGA U….

C/QAFAAR C/RASHIID CABEY.

(NAIROBI)-Shalay oo Talaada ahayd ayey booliska dalka Kenya waxa ey magaaladda Nairobi ku xireen nin lagu tuhmaayo inuu sameeyey been abuur si uu ugu dhaco dhaqaale fara badan. Qoraal ka soo baxay booliska maanta oo Arbaca ah ayaa lagu sheegay in boolisku is hortaageen nin Soomaali ah lana yiraahdo C/qafaar C/rashiid Cabey,ninkaan oo ka duuli rabay garoonka Wilson isagoo sugaayey diyaarad ku socotay magaaladda Ceel-Waaq. Ninkaan la qabtay ee lagu tuhmaay inuu sameeyey been abuur uu ku dhacay lacag malaayiin shilinka Kenya ah,sida uu ku waramay afhayeenka saldhiga booliska ee Kisii. Booliska ayaa ka mahad celiyey sida wacan ey dadweynuhu ula shaqeeyeen uguna soo gudbiyeen macluumaadka suurtageliyey in gacanta lagu soo dhigo ninkaan baxsadka ka ah cadaaladda.

ISHA WARKA THE STAR.

HALKAAN KA SII AKHRI