SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GARAADYADA SSC OO LA FADHIISTAY…

MW-XASAN OO LA FADHIYO GARAADYADA SOOL IYO SANAAG.

(SOMALIA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah Madaxwtooyada ku qaabilay Garaadyadda ka socday Gobolada Sanaag iyo Sool kuwaaso shalay soo gaaray magaaladda Muqdisho ee ah caasimadda Soomaaliya. Garaadyadaan ayaa in muddo ah waxa ey ku sugnaayeen magaaladda Laascaanood halkaaso uu ka socday dagaal u dhexeeyo maamulka Somliland iyo xoogaga u dagaalamaayo ineey ka madax banaanaadan maamulkaas. Waa markii labaad oo ey Dawaladda Federaalka Soomaaliya isku dayday ineey martiqaad u fidiso Garaadyada Sool iyo Sanaag waxaane ka horeysay Martiqaad kale ey diideen Garaadyada waxaane loo sabababeeyey in cadaadis kaga yimid dhinaca maamulka Puntland oo matiqaadka u arkaayey in lagu maja xaabinaayo siyaasadiisa ku aadan Gobolada Sanaag iyo Sool iyo dagaalka Somaliland.

ISHA WARKA GOOBJOOG.

HALKAAN KA SII AKHRISO