SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GAMBIYA OO DIB U SOO CELISAY DADKEEDA.

(SAWIRKA)-MUHAAJIRIINTA REER GAMBIYA EE DIB LOOGU SOO CELIYEY DALKOODA HOOYO.

(GAMBIA)-Dalka Gambiya ayaa waxaa dib loogu soo celiyey dad gaarayo ilaa 296-qofood oo Muhaajiriin ah mudo laba todobaad gudaheed ah,in ka badan nuska dadka lagu soo celiyey Gambiya ayaa waxa ey ku go’odoonsanaayeen dalka Libiya,sidaas waxaa shalay oo Axad ahayd sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Gambiya. Boqol iyo afartan mawaadin oo reer Gambiya ayaa dalkood dib loogu soo celiyey inta u dhexeysay 24/6/23-ka ilaa 4/7/23-ka ka dib markii xukuumadaha Senigaal,Muritaaniya iyo Marooko uu mid kasta is-hortaagid ku sameeyey doomo siday mawaadinii ka soo jeeday dalalka Galbeedka Qaaradda Afrika,sidaas waxaa xaqiijiyey afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Gambiya. Wasaaradda Arrimaha dibadda Gambiya ayaa sheegtay in tirada guud ee reer Gambiya ah ee laga soo qabtay seddex doon ey saarnaayeen ey dhan tahay 231-qofood laakinse kuwa badan oo reer Gambiya ah ayaa si qarsoodi ah u baxsaday ka hor inta aan la soo celinin,si kastaba ha ahatee,156-qofood oo reer Gambiya ah ayaa laga soo celiyey dalka Libiya taariikhdu markeey ahayd 24/6/23-ka kuwaaso ku xayirnaay dalka Libiya.

ISHA/VOA.

HALKAN KA SI AKHRISO.