SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GACAN KU DHIIGLIHII DILAY XAASKIISA OO LA SOO QABAY.

(SAWIRKA)-GACAN KU DHIIGLE SAYID CALI OO EY SOO QABTEEN CIIDAMADDA.

(WISIL)-Wararka ka imaanayo degmada Wisil ee Gobolka Mudug maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in ninkii nolosha ku Gubay Xaaskiisa Sayid Cali Macallin Da’uud gacanta lagu soo dhigay isagoo ku dhuumaaleysanaayo dhul hawd ah ey ku ag yaaliin beero. Sayid Cali ayaa dhammaadkii bishii hore ee Janaayo waxa uu Gubay Xaaskiisa oo la oran jiray AUN-Luul C/casiis Maxamed taaso u geeriyootay dhaawacii ka soo gaaray dabkii uu qabadsiiyey Sayid Cali,dhibka ayaa waxa uu ka dhacay degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir. In gacan ku dhiigle Sayid Cali ka baxsado magaaladda Muqdisho ayaa waxa ey dhalisay dood aad u kulul waxa ey doodaasi gaartay in farta lagu fiiqo dad masuuliyiin ah iney ku lug lahaayeen baxsashadiisa una fududeeyeen inuu gaaro goob uu ka heli karo gabaad kagana dhuuman karo cadaaladda,Xildhibaan Saabir Nuur shuuriye ahne ninkii shaqada geyey Sayid Cali una sameeyey damaanada uu ku gelaayey garoonka Aden Cadde ayaa si kulul waxa uu uga hadlay arrinta gacanku dhiigle Sayid Cali waxa uuna xildhibaanku tilmaamay inuusan marnaba qabin in la fakiyo eedeysane Sayid Cali,sidoo kale arrintaan ayaa eedeedu waxa taabatay Taliyaha Booiska G/banaadir Macallin Mahdi iyo Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/banaadir Yabooh,dhammaan masuuliyiintaan ayaa ku heyb ah gacan ku dhiigle Sayid Cali oo hadda Maxkamad suge la ah keeni magaaladda Muqdisho dhawaan waxa uuna ka soo muuqan doonaa cadaaladda horteeda.

ISHA/SB-MEDIA