SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

Gacan ku dhiigle…

Waxaa maanta suuragashay in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiigleyaashii dilay AUN-C/qaadira C/laahi Goosaar oo ahaay wiil dhallinyara ah dhammaystayne jaamcadda sida la sheegay,C/qaadir ayaa 21/6/2020-ka waxaa lagu dilay degaanka Juungal degmada Yaaqshiid ee gobolka banaadir sababta loo dilaya C/qaadira ayaa ahayd inuu dhiibo mooto laba lugooleey la rabay in laga dhaco balse C/qaadir uu ka madax adeegay dhiibideeda. Saldhiga degmada Yaaqshiid ayaa helay sir la xiriirta cida laga geday mootada laga dhacay C/qaadir halka eey ku sugan tahay waxa eeyna ciidamadda booliska ee degmada yaaqshiid maanta u dhaqaaqeen goobtii eey tiilay mootadii laga dhacay AUN-c/qaadir waxayna gacanta ku dhigeen shaqsigii tuugada ka iibsaday mootada waxa uuna ciidmadda geeyey goobta eey sugnaayeen tuugtii dishay c/qaadir dabadeedna qaatay mootadiisii waxaane sidaas ku suuaragshay in ciidmaada booliska degmada yaaqshiid ay soo qabtaan labadii gacan ku dhiigle oo goobta iska joogay sidaasne eey ku keeneen saldhiga degmada si looga qoro warbixin la xiriirta sida eey wax u dheceen si loogu gudbiyo maxkamadd. sawirka kore waa tuugtii dishay AUN-C/qaadir iyo mootadii eey dheceen,sawirka hoosane waa AUN-C/qaadir.