SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GABAR SOMALI-CANADIAN AH OO LA DILAY.

CANADA.

(CANADA)-Dalka Kanada waxaa ku nool Somali aad u fara badan dalkoodana uga soo qaxday dagaalo sokeeye horaantii sagaashanaadkii,dadkaan Soomaliyeed ayaa ku dhalay caruur wadamadii ey u soo qaxeen caruurtaas ayaa noqday kuwa la qabsaday nolosha wadamada ey ku dhasheen oo fursad uma eysan heli ineey dalkoodii hooyo ee Soomaaliya dib ugu laabtaan amni darro awadeed,hadaba dalka Kanada ayaa waxaa ka dhacday arrin ey si weyn uga wada caroodeen Soomaalida halkaasi degan ka dib markii dhalo la jabshay lagu dilay gudaha Maqaayad ku taalo dalkaasi Kanada,Hodan Xaashi ayaa dhiig bax ugu dhex dhimatay gudaha Maqaayadda lagula dhuftay dhalada,Video-yo laga duubay dhacdadas xanuunka badan lana soo dhigay baraha bulshada gaar ahaan barta TikToka ayaa la arkay Hodan oo dhulka taalo dhiigna uu ka socdo in kasto uu jiray Mugdi. Hodan Xaashi ayaa ahayd gabar 23-jir ah waxaane dhallo ku dishay gabar cadiin ah lana yiraahdo THERIAULT-FISHER oo 22-jir ah,gebertaan dishay Hodan ayaa waxaa hoos loo dhigay dembigeeda kaaso ahaay dilka darajadiisa labaad ka dib markii la soo xiray,waxaane la sheegaa in gabarta dishay Hodan la doonaayo in lagu sii daayo damaanad.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRI.