GABAR LAGA SOO AFDUBAY KANADA LAGANA…
(OREGON)-Gabar 13-jir ah oo lagu waayey gudaha magaaladda Edmont ee gobolka Albert ee dalkaasi Kanada muddo ka badan todobaad ayaa waxaa laga helay magaaladda Oregon ee dalkaasi Maraykanka,ninka ku eedeysan inuu soo afduubay gabartaan yar ayaa hadda waxa uu ku xiran yahay xabsiga Oregon,sida eey sheegeen masuuliyiinta magaaladda Oregon shalay oo ahayd Isniin. Shaqaale ka tirsan hayadda FBI-da dalaasi Maraykanka ayaa maalintii Sabtida ee la soo dhaafay waxa uu kaalmo ka gaystay soo xirida NOAH MADRANO oo 41-jir ah kuna eedeysan inuu dabin u soo dhigay gabartaan yar dabadeedna u soo weday dalka Maraykanka ayadoo la tixraacaayo Email ka yimid xafiiska hayadda FBI-da ee gobolka Portland ee dalkaasi Maraykanka.
ISHA WARKA WAKAALADO.