SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GAARI HUB U SIDAY ALSHABAB OO LA QABTAY.

(SAWIRKA)GAARIGII LA QABTAY.

(BELEDWEYNE)-Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed oo ka duulaayo Xogo ey shacabka ka heleen ayaa hawlgal ka dhacay degaanka Baar-Dheere ee Gobolka Hiiraan lagu soo qabtay saanad ciidan oo loo weday kooxda ALshabaab. Taliska Guutada 5-aad ee Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xooga Dalka ayaa lagu soo bandhigay Gaari nuuciisu yahay SUZUKI iyo 13-Qori oo nuucoodu yahay AK-47,hawlgalkaan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degaanka Baar-Dheere oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Ciidanka ayaa la sheegay iney heleen xogta gaarigaan siday saanadda iyo hubka,waxa eyna la wareegeen hubkii iyo saanadii u socotay kooxda ALshabaab. Gaari la qabtay ayaa waxaa weday hal shaqsi,isagiina hadda waxa uu ku jiraa gacanta Hayadaha Amniga ee Gobolka Hiiraan. Taliyaha Guutada 5-aad ee Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Col.Maxamud Xasan Ibrahim(BAKAY) oo warbaahinta kula hadlay B/weyne ayaa u mahad celiyey Ciidamada Xooga ee gacanta ku soo dhigay wadaha Gaariga hubka u siday kooxada ALshabaab iyo hubkiiba.

ISHA-GJ.