SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GAAJO BA’AN OO LOOGA CABSI QABO WADAMA QAARKOOD.

SAWIRKA DAD GAAJAYSAN OO AFRIKA JOOGA.

(ISTAMBUL-TURKEY)-Madaxda hayadaha caalamiga ee ku hawlgasho”MILLER EURASIA”iyo dhammaan hayadaha eey ka mid yihiin UN,FAO iyo IMF-ta ayaa shalay oo Jimca ahayd(20/5/22)-ka isku raacay in caalamku wajahi doono dhibaato cuno xumi ah uusan horay adduunku u arag. Eren Gunhan Ulusoy ayaa wariyeyaasha caalamka u sheegay in 811-Milyan oo qofood yihiin kuwa u baahan nafaqo iyo 276-Milyan noloshoodu ku xiran tahay Rooti ayadoo la ogyahay in dagaalka Ukrayn saameeyey dhoofinta Qamadiga,warkaan ayuu ka dhex sheegay shirka caalamiga ah ee ka dhacaayo ISTAMBUL e dalka Turkiga. Eren ayaa yiri”Waxyar oo kasta ahne Qamadi waa mid leh qiimo,waxaane inagu waajib ah inaan qaadno tilaabo aan ku yareyneyno gaajadda iyo waxyaabaha aan loo baahnayn ee lacagta lagu bixinaayo,waane inaan ka hrtagnaa in wax dhumaan”.

ISHA WARKA ANADOLU.

HALKAAN KA SII AKHRISO.