SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SIRDOONKA UGANDA OO DIB U CELIYEY…

Dal kasta waxa uu leeyahay hayddo u qaabilsan masuulne ka ah nabadgelyadiisa,hayadahaas ayaa waxa eey la socdaan dhaqdhaqaaqa dadka eey uga shakiyaan ineey yihiin kuwa ugu socdo dalkooda arrimo la xiriiro amni darro. hayadahaas nabadgelyadda waxa ey ka hawlgalaan gudaha dalka iyo dibadiisa waxa eeyna warkoda u gudiyaan dhamman ciidamadda amaanka dalkaas si loo sameeyo ka hortag dhinac walba ah,hadaba maxaa ka dhacay dalka Uganda?

Hayadaha ka shaqeeyo nabagelyadda ee dalkaas Uganda ayaa waxa eey in muddo ah dabagal ku haayeen nin qeyb ka haay rididii madaxweynihii ee dalka Masar AUN-Maxamed Xusni Mubaarak,shaqsigaas ayaa la dhahaa Mr.Marco De Swart kaasoo muuqaal ahaan dalka Uganda ugu socday inuu u shaqeeyo hayadda OXFAM,Mr.Marco ayaa la sheegay inuu xiriir la leeyahay hayaddo caalami ah kana soo horjeedo xasiloonidda waxa eeyna ku lug lahaayeen kacdoonkii lagu riday AUN-Mubaarak sannadii 2011-kii,waxaane Mr.Marco loo diiday inuu soo galo dalka Uganda oo eey ku soo fool leedahay doorasho sannadka 2021-ka,waxaane lagu tuhmaa Mr.Marco iyo hayadda OXFAM ineey xiriir la leeyihiin safaarado reer galbeed ah kuna suga dalka Uganda eeyna sababi karaan fawdo iyo banaan baxyo sababa in xukunka si sahlan looga tuuro Musafiini,waxaane halkaan laga dheehan karaa hayaddaha NGO-ga ineey yihiin kuwa dumiya dalalka eey ka hawlgalaan arrimahoodana yihiin kuwa salka ku haayo siyaasad iyo fulin danaha wadamadda gacan saarka la leh. XIGASHO KAMPALA POST.

RIIX HALKAAN.