SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

FU’AAD SHONGOLE OO LA DILAY.

FU’AAD SHONGOLE.

(SOMALIA)-Maalmihii la soo dhaafay waxa uu dagaal culus oo aan waxba la isula harin ka socday degaanadda ku teedsan xuduudka Soomaaliya la leedahay dalka Itoobiya gaar ahaan Goboladda Bakool iyo Hiiraan,dagaalka ayaa waxa uu ka bilawday degaanada Caato iyo Yeed kana wada tirsan gobolka Bakool ee maamulka KGS waxaane halkaas isku fara saaray kooxda Alshabaab iyo Liyu Booliska ka hawlgala Dawlad degaanka Soomaalida(DDS),dagaalkaasi waxaa guulo ka sheegtay labada dhinac balse ma aha mid la xaqiijin karo guulahaasi,sidoo kale isla todobaadkii hore waxa uu dagaal kulul ku dhexmaray degaanka Feer Feer kana tirsan Gobolka Hiiraan ee maamulka H/Shabeele kooxda Alshabaab iyo Liyu Boolsika (DDS)-ta,hadaba maanta oo ah Jimco 29/7/22-ka ayaa hadana dagaal waxa uu ka dhex qarxay kooxda Alshabaab iyo Liyu Booliska (DDS)-ta waxaane la soo sheegay in dagaalka dhacay maanta eey qeyb ka ahaayeen diyaaradaha dagaalka ee dalka Itoobiya halkaasne lagu laayey dagaalyahano fara badan kana tirsanaay Alshabaab,sida eey sheegatay dawladda Itoobiya dagaalka maanta waxaa lagu dilay hogaamiyeyaal sare kana tirsanaay Alshabaab,hogaamiyeyaasha eey sheegtay dawladda Itoobiya ineey dishay ayaa waxaa ka mid ah:(1)-Fu’aad Maxamed Khalaf(Shongole) ahaayne madaxa abaabulka Alshabaab iyo tashkiilinta dhallinyarad ku soo biireysa Alshabaab,ninkaan ayey dawladda Maraykanka ku dartay liiska dadka eey raadinayso waxaane la dulsaaray madaxiisa lacag dhan shan milyan oo doolarka Maraykanka ah($5,000,000) qofkii soo sheegta amaba sahasha dilkiisa. (2)C/xasiis Abuu Muscab,waxa uu ahaay afhayeenka hawlgaladda Alshabaab. (3)-Cubayda Nuur Ciise,oo ahaay madaxa abaaulka dagaaladda ka socday xuduudyada Soomaaliya iyo Itoobiya,ninkaan ayaa loo malaynaa inuu yahay Ajnabi ka soo jeedo dalkaasi Suudaan amaba Eritereeya balse lama kala cadeeyn qolada uu yahay.

ISHA WARKA SBMEDIA-SOMALIA.