FIFA OO DALKA PERU KA WAREEJISAY…
SAWIRKA KOOBKA ADDUUNKA U-17.
(ZURICH)-Xiriirka kubadda cagta adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano FIFA ayaa soo saaray go’aan maanta oo ah Isniin(3/4/23)-ka,go’aankaas ayaa khuseeyo dalka PERU oo ah dal isu diyaarinaayey inuu martigeliyo Tartan Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee dhallinyarada da’adoodu ka yar tahay17-ka sano(U-17). FIFA ayaa go’aamisay in dalka PERU laga wareejiyo martigelinta tartanka kaaso loogu talagalay inuu dhaco inta u dhexeyso bisha Noofembar ilaa bisha Diseembar ee sannadkaan 2023-ka,waxa eya FIFA go’aankeeda ku sababaysay in dalka PERU uusan waxba ka fulin balanqaadkiisii ahaay inuu diyaarinaayo garoomadii lagu ciyaari lahaay iyo goobihii ey degi lahaayeen martida iyo cayaartoda ka qeybgelayso tartanka.
ISHA WARKA ARAB.