FDA DALKA MARAYKANKA OO SOO SAARTAY DIGNIIN AH…
(SAWIRKA)-SAACADDA SMART-GA AH.
(ISTANBUL)-Hayadda dalka Maraykanka u qaabilsan la socodka Cuntada iyo Daawada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano FDA ayaa uga digtay macaamiisha khatarta la xiriirto isticmaalka Saacadaha Smart-ga ah ama Faraantiyada Smart-ga ah ee cabira heerka Sokorta ku jirta dhiigaada iyadoo aan la qaadin wax dhiig ah. “Aaladahaani wey ka duwan yihiin codsiyada saacadaha Smart-ga ah ee soo bandhigaya xogta FDA ey ogolaatay qalabka cabira Sokorta dhiiga marka qofka bukaanka ah laga soo qaado dhiig,sida qalabka kormeerka Sokorta ee joogtada ah(CGMs)”ayey FDA bayaankeeda soo baxay Arbacadii ku sheegtay. “Dadka qaba Sokorta,cabiraada Sokorta dhiiga ku jirta ee aan saxa ahayn waxa ey bukaanka u horseedi kartaa khaladaadka maareynta Sokorta oo ey ku jiraan qaadashada qiyaas khaldan oo Insulin-ta ah,Sulfonylureas ama daaweynta kale oo si deg deg ah hoos ugu dhigi karta Sokorta Dhiiga ku jirta”ayey tiri hayada FDA. Qaadashada badan ee daawooyinkaan waxa ey sababi karaan in Sokorta bukaanka ey si filan waa ah hoos ugu dhacdo taaso keenta jahwareer maskaxeed,(COMA) ama dhimasho saacado gudaheeda ah”.
ISHA/AA.