FAYSAL CALI WARAABE OO EEDEEYEY…
GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID MUDANE FAYSAL CALI WARAABE.
(HARGEYSA)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Soomaliland Mudane Faysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id qabtay maanta oo Isniin ah ayaa si adag waxa uu uga hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan Laascaanood xarunta Gobolka Sool,Gudoomiye Faysal ayaa sheegay in arrinta Laascaanood ey gacmo kale hurinayaan waxa uuna eed u soo jeediyey gudi uu sheegay ineey xubno ka yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo, Reysal wasaareyaashii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo C/weli Maxamed Cali Gaas iyo siyaasiga reer Kenya Faarax Macallin Dawaare waxa uuna qorshahooda ku tilmaamay inuu yahay mid Somaliland kharidada lagaga saarayo gudigaan ayuu sheegay Faysal inuu mid ku salaysan Isir lana yiraahdo G21.
ISHA WARKA C/N.