FARMAAJO OO KU MASHQUULSAN FASHILINTA SHIRKA AFISYOONI.
Dalka soomaaliya waxaa ka taagan ismari waa dhinaca doorshada ah waxaane dhacday in waqti xileedkii hayadaha dastuuriga ah uu dhammaaday 27/12/2020-ka waxaa ku ekaay waqti xileedka baarlamaanka federaalka soomaaliyeed,8/2/2021-ka waxaa ku ekaay waqti xileedka madaxweynaha,Raysal wasaaraha iyo golihiisa wasiiradda dastuurka ayaa u ogolaanayo ineey shaqada sii wadaan si ku meel gaar ah inta eey ka imaanayso xukuumadii bedeli lahayd.Si loo dedejiyo doorashooyinka dalka oo dhaafay waqtigooda ayaa waxaa la qabtay dhawr shir oo lagu qabtay caasimadda DG G/mudug ee Dh/mareeb waxna waa lagu heshiiyey waxna waa la isku afgaran waayey,dhibaatada ugu weyn ayaa waxa eey ka taagan tahay gudiga farsamada ee doorashooyinka,cidda sugayso amniga doorashooyinka iyo goobaha qaar eey ka dhacayso doorashadda,shirkii ugu dambeeyey ee ka dhacay caasimadda ku meel gaarka ah ee DG K/Galbeed Baydhabo ayaa waxaa looga hadlay arrinta gudiga farsamadda ee doorashooyinka,waxaane dhacday in ka badan seddex jeer in farmaajo ku baaqay in la isugu yimaado shir si loo dhammaystiro arrimaha doorashooyinka balse ma aysan suuragelin dhammaan shirarkii uu ku baaqay farmaajo waxaane arrintaas ka dhashay in wakiilka qaramadda midoobay ee soomaaliya James Swan fidiyo gogol eey isugu imaanayaan DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah DFS garwadeena eey ka tahay qaramada midoobay,waxaane gogosha la dhigay xeradda Afisyooni halkaasoo ah halkii lagu doortay Farmaajo afar sano ka hor 2017-kii,hadaba waxaa soo ifbaxay caqabado/jilaafooyin uu wado Farmaajo si shirka Afisyooni u fashilmo waxaane caqabadahaas ka mid ah- 1-In shirka afisyooni ku koobnaado saxiixida isafgardkii Baydhabo ee gudiyadda Farsamadda,arrintaan ayaa waxaa diidan madaxweynayaasha Puntland-Deni iyo Jubaland-Madoobe. 2-In dhinaca dawladda uu shirkaas ku metelo raysal wasaare Rooble ee uusan imaan Farmaajo,taasne waxaa diidan Q/midoobe. 3-DG taageersan Farmaajo kalana ah HIRSHABEELE,GALMUDUG IYO K/GALBEED ayaa loo malaynayaa ineeysan imaan shirka Afisyooni ayagoo ku taageeraayo Farmaajo in shirka Afisyooni fashil ku soo dhammaado. Wasiirka warfaafinta ee DG Galmudug Falagle oo waraysi siiyey idaacada iyo tv-ga Dalsan ee magaaladda Muqdisho ayaa yiri’SOOMAALIYA SOOMAALIBAA LEH,G/MUDUG WAXAY KA AAMINSAN TAHAY SHIRARKA SOOMAALIDA KHILAAFYADEEDA INEEY AYADA XALISATO,INTA BADAN SHIRARKA LA XIIIRO DOORASHOOYINKA WAXAA LAGU QABTAY G/MUDUG,WAXNA WAA LAGA HESHIIYEY WAXNA WELI LAGAMA HESHIIN,AFISYOONI SOOMAALIYA AYEY KU TAALAA G/MUDUGSE WAXA EEY DOONAYSAA IN SHIRKA LOOGA HADLAAYO DOORASHOOYINKA INEEY HOGAAMISO DFS AMA DG KALE HALKAASNE LA DHIHO GOGOSHA'‘.
Madaxweynayaasha G/Mudug-Qoor-Qoor iyo K/Galbeed-Lafta Gareen ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga,Lafta Gareen ayaa Turkiga u joogo inuu soo booqdo sodogiisa ahne taliyaha ciidamadda Asluubta Gen.Mahad oo la xanuunsan Covid-19 waxaane la soo sheegayaa in Lafta Gareen uu ku dhacay Covid-19 lana dhigay isbitaalka walaw aan la xaqiijin,dhinaca kalane Qoor-Qoor ayaa la sheegayaa inuu xareeystay dal ku galka dalka Jarmalka halkaasoo uu rabo inuu isaga soo daaweeyo wadna xanuun haayo,labadaan masuul ayaa waxaa laga sugayaa ineey yimaadaan Muqdisho si eey uga qeybgalaan shirka garwadeenka eey ka tahay Q/midoobay,haddiise eey dhacdo ineey imaan waayaan shirka Afisyooni eeyna aqbalaan carqaladeeynta uu wado Farmaajo ayaa waxaa ka dhalan kara cawaaqib xumo soo wajahda madaxda DG taageersan Farmaajo(Qoor-Qoor,Lafta Gareen iyo Guudlaawe).
Waxaa diyaariyey-Abkeey-