SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

FARANSIISKA OO DIB U SOO CELIYEY..

(SAWIRKA)-XERADA AL-HOL.

(PARIS)-Dawladda Faransiiska ayaa dalkeeda waxa ey dib ugu soo celisay shaqsiyaad ku sugnaay xerada AL-HOL kuna taalo Waqooyi-Bari dalka Suuriya,xeradaan ayaa martigelisa tira badan oo dad ah iyo eheladooda kuwaaso lagu tuhmaayo iney xubno ka yihiin ururka Daacish. Dadka dib loogu celinaayo dalka Faransiiska ayaa gaaraayo 35-qofood waxaane ka mid ah 10-dumara iyo 25-caruur ah,waxa eyna dadkaan Faransiiska soo gaareen maanta oo Talaada ah(4/7/23)-ka. Qoraal ka soo baxay xafiiska garsoorka qaabilsan arrimaha argagixisada ayaa lagu sheegay in tobanka dumarka ah ey da’adoodu u dhexeeyso 23-jir ilaa 40-jir waxane lala xiray gabar da’adeeda lagu sheegay iney tahay 17-jir dadkaan ayaa dhammaantood waxaa loo taxaabay xabsiga ka dib markii ey ka soo degeen garoonka diyaaradaha Paris.

ISHA/ MEE.

HALKAAN KA AKHRISO.