Fahad Yaasiin oo ku Fashilmay eryidda taliyaha Danab.
Dfs marka eey rabto ineey masuul iska hor wareejiso waxa eey soo saartaa wareegto madaxweyne oo masuuliyiin lagu magacaabaayo kuwana lagu casilaayo,hawlahaas waxa eey ahaayeen kuwa u meel maray DFS inteey soo jirtay,sirta ka dambaysa magacabista iyo ka qaadista saraakiisha ciidamadda ayaa inta badan salka ku hayso fikirka ama aragatida Qadar ee ku aadan kooxda Alshabaab,tusaale ahaan taliyihii hore ee ciidamadda dhulka Odawaa waxaa xilka taliyenimo laga wareejiyey ka dib markii hogaamiyeyaasha Alshabaab ku cabaadeen dawladda Qadar oo siisa tageero mug leh sidaasne alshabaab waxaa uga degay culays saarnaay oo meel eey geeyaan la'aayeen iyo inee helaan fursad eey dib isu habeeyaan,mar kale ayaa haddane wareegto MW-ne xilkii looga wareejiyey taliyihii ciidamadda dhulka S/G.C/xamiid Maxamed Diiriye kaaso isna cunaha qabtay alshabaab,waa qorshe eey wadato dawladda Qadar safiirkeeda soomaaliyana uu u sii dhiibo wiilkooda Fahad sidaasne hawshu ku socoto soomaliyana ha iska ahaato mid ku jirta dagaal aan dhammaad lahayn,laakinse maxaad ogayn oo dhacay maanta oo arbaca ah kuna beegan 9/9/2020-ka?
Wiilkii dawladda Qadar uga wakiilka ahaay halaaga shacabka soomaliyeed ahne agaasimaha hayadda aan sharciga ku dhisneeyn ee NISA EX-Wariye Fahad Yaasiin ayaa waxa uu maalmo ka hor ka dhaadhiciyey MW-ne Farmaajo(Mooge) in xilka laga qaado taliyaha ciidamadda uu tababaray Maraykanka ee loo yaqaano DANAB G/LE-Ismaaciil C/maalik Maalin Moogane waa saxiixay waxaane warqadii loo gudbiyey abaanduulaha ciidmadda xooga dalka soomaaliyeed S/G-Odawaa isagiina waxa uu shqo joojin ku sameeyey G/Le-Ismaaciil,maxaa dhacay hee? Qoraal eey soo saartay safaaradda Maraykanka Muqdisho ayaa looga hadlay musuqa iyo eexda ka dhex jiro ciidamadda taasoo loola jeeday shaqo ka joojinta lagu sameeyey G/le-Ismaaciil taliyaha Guutada 16-aad ee kumaandooska Danab kana hawlgala G/shabeeladda hoose,waxaane maanta gelinkeedii hore Mooge looga yeeray qolka shirarka ee garoonka Aadan Cadde waxaane loo soo sheegay in ciidamadda Danab ahayn kuwa taliyeyaashooda lagu bedeli karo dalab ka yimid hogaamiyeyaasha alshabaab soona maray dawladda Qadar uuna idin soo gaarsiiyey wiilkooda Fahad,waxaane idin xusuusiha ahne hubanti in dalka Qadar uu ku sugan yahay hogaamiyihii alshabaab ee kala gaabiyey shacabka reer Puntlanda dilaa Atam iyo xaasaskiisa iyo mid ka mida xaasaska Axmed diiriye Abu Cubayda,yey tahay qofka soomaaliga ah ee loo sheegaayo in alshabaab,NISA iyo dawladda Qadar ka dhexeeyn wada shaqeeyn toos ah iyo mid dadban,su'aal ayaan rabaa inaan u helo jawaab su'aashu waa " Ma la ii sheegi karaa sababta Fahad caruurtiisa iyo ehelkiisa ugala baxsaday Nayroobi kenya? Fiiri xiriga ku socda dadkii gacan saarka la lahaay alshabaab iyo sida loo xiray lacagahoodii u yiilay bangiyadda Nayroobi.