FACEBOOK OO KU GUUL DAREYSTAY..
GOOB INTERNET-KA EE NAIROBI.
(KENYA)-Daraasad cusub ayaa lagu ogaaday in Facebook ku guul daraystay inuu qabto qoraaladda eey dhigeen Facebook-ga ururada xagjirka ah ee Daacish iyo Alshabaab qoraaladaaso eey ula jeedaan Geeska Afrika oo ah gobolka eey kooxaha Daacish iyo Alshabaab eey dhibaato ku hayaan dadka dego,waxa eeyna ka geystaan weeraro gudaha dalalka Kenya iyo Somaliya,waxa eeyna Kenya hadda isu diyaarinaysaa ineey gasho doorashadda madaxweynaha taaso hadda uu socdo loolankeeda,halka Somaliya eey soo gabagabawday doorashaddii madaxweynaha 15/5/22-ka. Wakaaladda wararka ee Associated Press(AP) taxanaheedii sannadkii hore ayey ku soo bandhigtay dukuminti si sir ah loo soo helay uuna la wadaagay mid ka mida shaqaalaha Facebook ee qariyey magaciisa,dukumintigaas ayaa muujinaayo in Facebook mar kale ku guul dareystay inuu la socdo qoraaladda dareenka leh ee la soo dhigo Facebook sida hadalo u muuqdo ineey yihiin nacayb kana kala yimid adduunka oo dhan.
ISHA WARKA AP.