SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HOOYO SOOMAALI AH OO KA MID NOQOTAY DADKI…

(SAWIRKA)-DADKII KU DHINTAY ISKUULKA.

(SWEDEN)-Dhammaan iskuulada waa in ay sameeyaan qorshe ay ku ilaalinayaan dadka aan loo ogolayn, sida ay dawladdu sheegtay Arbacadii, iyada oo waddanku uu isku dayayo in uu ka soo kabto toogashadii ugu xumayd todobaadkii hore.

Weerarka ayaa ka dhacay galbeedka magaalada caasimadda ah ee Stockholm, waxaana Ra'iisul Wasaare Ulf Kristersson uu ku tilmaamay "toogasho wadareedkii ugu xumaa taariikhda Sweden". Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaallada, iyadoo ugu yaraan afar qof lagu sameynayo qalliinno. Booliisku waxay heleen warbixin ku saabsan toogashada ka dhacday iskuulka Risbergska oo ah xarun waxbarasho oo dadka waaweyn ah - saacaddu markii ay ku beegneed 12:33 waqtiga maxalliga. Xaruntan waxay ku taallaa jaamacad leh dugsiyo kale. Horey ayaa ardayda wax ka baranaysay dhowr dugsi oo u dhow goobta weerarku ka dhacay loogu hayn jiray gudaha xaruntaas "arrimo ammaan awgood". Warbaahinta maxalliga ayaa tebineysa in dadka ku dhintay weerarka iskuulka ay ka mid ahayd gabar Soomaali ah oo la yirahdo Qamar Hilowle oo wax ka baraneysay iskuulka uu weerarka ka dhacay. Waxay ahayd waqtiga qadada markii ay dhacdadu dhaceysay oo hooyo saddex Carruur dhashay - oo ku guda jirtay barashada luuqadda Iswidhishka ee Jaamacadda Risbergska ee Örebro - waxay ku sii jeedday maqaayadda Jaamacadda si ay wax uga cunto. "Waxaa noo sheegay macalinkeeda inay halkaas u tageen inay cunto soo iibsadaan, ka dib waxay maqleen dhawaqa rasaasta iyo dadka oo ku qaylinaya orda, orod," ayuu yiri ina adeerkeed Ibraahim oo ay soo xigatay warbaahinta Expressen ee dalka Sweden. Warbaahinta Expressen ayaa qortay in markii ina adeerkeed, walaasheed iyo eedadeed ay maqleen inay iskuulka ay wax ka dhaceen waxa ay dhawr jeer isku dayeen inay Qamar la xiriiraan oo ay wacaan teleefoonkeeda. Waxay sheegeen in teleefoonka uu dhacayay balse aanan laga jawaabeyn iyagoo intaa ku daray in Qamar mar walba qaban jirtay teleefoonka waxayna is weeydiiyeen maxay tahay sababta aysan uga jawaanbeyn?Eedadeed ayaa warbaahinta Expressen u sheegtay: Markiiba waan dareemay inay wax khaldan yihiin. Jirkeyga waa uu gariirayay. Inkastoo ay jirtay rajo hadana qoyska ayaa dareemayay inay yar tahay fursadda ah in Qamar ay bad-qabto.”Waxaanu lahayn rajo ah in laga yaabo inay dhaawacantay ayna soo laabaneyso, balse maalintii aanu maqalnay warka ah in Qamar ay geeriyootay waxay noo ahayd maalin aad u madow”. Waxay sida inaan aragga beelay ayay Asli u sheegatay Expressen. Ina adeerkeed Ibrahim ayaa sheegay in Qamar ay Sweden timid in ka badan 10 sano ka hor ayna ahayd muwaadin reer Sweden ah. Waxay lahayd himilooyin waaweyn. Waxaa la sheegay in Qamar ay lahayd qorshe ah in iyada iyo carruuteeda ay u wareegaan guri weyn oo ku yaalla Örebro. Jimcihii, qoyska Qamar ayaa waxay heleen shaacinta booliska ee la xiriita in gabadhooda Qamar ay ka mid ahayd dadka ku dhintay weerarka iskuulka. Geerideeda ka dib, qoysku waxa ay raadiyeen caruurtii Qamar oo tiradoodu 3 ahayd. Canuga ugu da'da weyn carruurta waa 15 jir halka kan ku xigana uu 11 jir yahay. Tan ugu yar waxa ay laba jirsan doontaa dhawr maalmood gudahood. "Weligay murugada igama dhammaan doonto," ayay tiri Asli oo eeddo u ah Qamar.

XIGASHO-BBC/SOMALI.