SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ERGAYGII MIDAWGA AFRIKA OO KA NOQDAY ERGAYNIMADIISA.

Tan iyo markii uu madaxweynaha uu dhammaaday waqti xileedkiisa ee soomaaliya Farmaajo uu booqashada ku tegay Koongo lana kulmay madaxweynaha dalkaas oo hadda ah gudoomiyaha ururka midawga afrika ayaa waxaa soo ifbaxay wararka sheegaayo in Farmaajo codsaday in Ergay ka socda midawga afrika loo soo diro soomaaliya si uu uga qeyb qaato xal u helidda ismari waaga ka taagan doorashadda soomaaliya,waxaane horaantii bishaan Meey-2021-ka ergay ka socdo midawga afrika loo soo magacaabay madaxweynihii hore ee Gaana John Mahama,maalmo ka dib magacabidiisa waxaa warqad codsi ah u diray midawga musharaxiinta waxa eeyna kaga codsadeen in gudiga laga saaro madaxa arrimaha siyaasadda ee Amisom ninka la yiraahdo Babtunde,midawga musharixiinta ayaa sabab uga dhigay inuu gacansaar la leeyahay dawladda uu hogaamiyo Farmaajo. DFS oo arrintaas ka caraysan ayaa ayadana codsi u dirtay ururka midawga afrika kana dalbatay in la bedelo ergayga ururka midawga afrika Mr.John Mahama waxayna sabab uga dhigtay inuu ganacsi badan ku leeyahay dalka Kenya oo colaad kala dhexeeyso soomaaliya,inta uusan ururka midawga afrika ka jawaabin codsiga dawladda federaalka soomaaliyeed ayaa waxaa shaqdii loo igmaday iskaga tegay Mr.Mahama sheegayne in hawshaas uusan diyaar u ahayn inuu qabto waqtigaan.XIGASHO MYJOYONLINE.

RIIX HALKAAN.