SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ERDOGAN OO KU SOO WAJAHAN SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-KULANKII ANKARA.

(ISTANBUL)-Madaxweynaha dalka Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa hadal uu sii daayey maanta oo Axad ah ku sheegay inuu booqan doono dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya labada bilood ee ugu horeyso sannadka soo socdo ee 2025-ka. Isagoo ka duulaayo heshiiskii taariikhiga ahaa ey garwadeenka ka ahayd dawladda Turkiga kaaso lagu soo afjaray ku dhawaad muddo sannadda ah xiisad u dhexeysay labada dal ee Afrikaanka ah ee ku saabsan marin badeedka Badda Cas, MW-Erdogan ayaa sabtidii shalay ahayd sheegay in guushani ey timid ka dib markii uu dhacay kulan qaatay todobo saacadood. “Waa ey ku mahadsan yihiin wada shaqeyntooda,waane saxiixnay heshiiska,waxaane dhammeynay shaqadii,”ayuu Erdogan ka sheegay munaasabad uu la qaatay dhallinyarada Gobolka Bari ee Erzurum. “Waxaan tagnay qolka shirka jaraa’id lagu qabto si aan caalamka ugu bishaareyno,waxaane ku iri “haddii alle idmo waxaan booqan doonaa Soomaaliya iyo Itoobiya labada bilood ee ugu horeysa sannadka soo socdo ee 2025-ka,talaabadaan aan qaadnayne waxaa gaarsiin doonaa caalamka” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Erdogan”. Ka dib markii Erdogan kula kulmay caasimadda Turkiga ee Ankara Arbacadii,hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa War-Murtiyeed wadajir ah oo ey si wadajir ah u soo saareen ayey ugu yeereen”BAAQA ANKARA”,waxa eyna dib u xaqiijiyeen ixtiraamkooda iyo sida ey uga go’an tahay midba midka kale Madax-Bananida,Midnimada iyo Wadjirka Dhuleed”. Mar la weydiiyey doorka Turkiga ee ku dhawaaqista saxiixa, Erdogan waxa uu ku macneeyey in Ankara ey xiriir adag la leedahay labada dhinac kaaso u ogolaaday iney horumar ka sameyso dadaaladda dhexdhexaadinta ey dawladaha kale eysan awoodin. “Dhibaatada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya waxa ey soo jirtay sannado badan,Itoobiya waa dal aad u weyn oo laba jeer ka weyn Soomaaliya,balse waa dhul aan bad lahayn”ayuu yiri Erdogan. “Dalka itoobiya waa dal leh dhul baaxad weyn balse aan lahay wax bad ah,waxaane arrinkaan isku dayey iney xaliyaan dalal badan balse ma eysan xallin arrintaas”ayuu hadlkiisa raaciyey Erdogan. Erdogan ayaa xusay xiriirka gaarka uu la leeyahay Reysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,waxa uuna Erdogan sheegay in tani ey u ogolaatay iney ka wada hadlaan khilaafka kaaso cirka isku shareeray bishii Janaayo ee sannadkan ka dib markii ey Itoobiya heshiis la saxiixatay Soomaliland oo ka go’day dalka Soomaaliya,heshiiska ayaa ku saabsan isticmaalka dekadda Berbera. Turkiga waxa uu sidoo kale ahaa wadan”soo dhaweeyey Soomaaliya xilligii ugu xasaasiyeysnaa”,isagoo Soomaaliya ka taageeray la dagaalanka kooxaha Argagixisada. “Maalgashiyo ayaan ku sameynay halkaas,waxaane barbar socdo talaabooyin aan ka qaadnay Argagixisada. Erdogan ayaa sheegay in Ankara ey sidoo kale siisay Itoobiya “dhammaan taageerada aan ka geysan karno dhaqaalaha,dhanka difaaca”.

ISHA-AA.